Baydhabo,(insidesomalia.org)- Daqiiqado ka hor barqanimadii maanta ayaa waxaa lagu soo gebagebeeyey qabuuraha loo yaqaano Abuu Cashirow oo ku yaala galbeedka Magalada Baydhabo ee Gobolka Bay aaska meydka marxuum Maxamed Cismaan Maye oo ka mid ahaa xildhibaanada Baarlamanka Federaalka KMG ah ee Soomaaliya oo xalay kooxo hubeysan ay ku toogteen xaafada horseed ee isla Magaladaasi Baydhabo xili uu ka soo baxay Masaajid hallkaasi ku yaala oo uu ku soo tukaday salaadii taraawiixda, kuna si jeeday hoygiisa.
Aaska meydka marxuum Maye ayaa waxaa ka qeybgalay Mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumada Federaalka Xildhibaano aad u fara badan oo tiradooda ay gaareyso ku dhowaad 100 xubnood, kuwaasoo ay horkacayeen Wasiiro uu ka mid ahaa wasiirka Gaadiidka Cirka, dhulka iyo Dekedaha ee Xukuumada Soomaaliya Maxamed Ibraahim Xaabsade iyo xubno kale, iyadoo guddoomiyaha Baarlamanka Sheekh Aadaan Madoobe oo hadda ku sugan Magaalada Baydhabo uusan ka qeyb gelin aaska meydka Xildhibaanka geeriyooday sabaob aan la ogeyn awgood.
Sidoo kale waxaa ka qeyb galay munaasabada aaska dadweyne aad u fara badan oo ka kala yimid Magaalada Baydhabo, iyadoo Qabuuraha marxuumka lagu aasayna si weyn loo adkeeyey amaankooda intii lagu guda jiray aaska, waxaana hareeraha qabuuraha lagu arkayey qaar ka mid ah Ciidamadii Dowladda ee dhowaan lagu soo tababaray dalka Itoobiya, kuwaasoo si weyna u feejignaa, waxaana munaasabadaasi aaska ay ku soo dhamaatay si amaan ah, waxaana dadka ka sokow dasku ku dhaqan Magalada Baydhabo ay hadal hayaan dilka Magaalada loogu geystay xildhibaan Maxamed Cismaan Maye oo ka mid ahaa mudaneyaasha baarlamanka Soomasaliya.